Friday, November 4th, 2016
.

Beesha caalamka oo walaac ka muujisay Xubnaha qaar ee ka soo dhex muuqday Aqalka Sare..

,
Published on October 17, 2016 by admin   ·   No Comments

Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Midowga Yurub, Urur-Goboleedka IGAD, Itoobiya, Talyaaniga, Sweden, Boqortooyada Midowday ee Britain ama Ingiriiska iyo Dowladda Maraykanka waxay aad uga walaacsanyihiin in shaqsiyaad taariikhda ku leh colaado, falal dembi iyo argagixisnimo lagusoo daro  liisaska musharaxiinta Aqalka Sare ee Baarlamaanka ee ay soo gudbiyeen qaar kamid ah madaxda dowlad goboleedyada kamidka ah federaalka ee jira iyo kuwa samaysmaya, iyadoo laga yaabo in shakhsiyaadkaasi ay kamid noqdaan musharaxiinta Golaha Shacabka.

Magacaabista iyo doorashada dhici karta in la doorto shakhsi kasta ee ka mas’uul ahaa colaadihii sababay dagaaladii sokeeye ee Soomaaliya waxay ka dhigantahay tallaab dib u dhac ah xilli Soomaaliya ay u diyaar garoobeyso inay furto bog cusub. Tan waa inay xisaabta ku darsadaan dhamaan inta arrintu khusayso ee muhiimka ah maadaama ay socoto u codeynta musharaxiinta Aqalka Sare, iyadoo 14,025 ergo doorasho la isku keenayo dabayaaqada bishan si ay u doortaan xubnaha Golaha Shacabka.

Dadka Soomaaliyeed, iyo weliba saaxiibada Soomaaliya  ee caalamka waxay mudanyihiin inay kalsooni ku qabaan hay’adaha samaysmaya ee kasoo baxaya geedi-socodka doorasho ee hadda socda. Waa in dadaal kasta lagu bixiyaa sidi lagu xaqiijin lahaa in geedi-socodka ay kasoo baxdo magacaabis mas’uuliyiin sumcad leh oo loo magacaabo xafiisyada dowladda, kuwaas oo aan wiiqi doonin sharciyadda iyo kalsooni ku qabidda Dowladda iyo Baarlamaanka cusub.

Waxaa [hadda] socdo hawlihii diiwaan-gelinta musharaxiinta u tartamaya 275ka kuraas ee Golaha Shacabka, waana in ergada doorasho aanay dooranin shakhsiyaad taariikhda ay ugu qoranyihiin falal dembi iyo colaado si ay beelohooda iyo jufooyinkooda ugu metelaan aqalka hoose ee Baarlamaanka.

“Soomaaliya waxay dib usoo dhisanaysaa hay’adeheeda iyo sharciyaddeeda kadib 25 sano oo colaado hubaysan ahaa,” ayuu yiri Mudane Michael Keating, Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay u Qaabilsan Soomaaliya. “In la iska diido musharraxiin baarlamaan oo ku lug lahaa qaar kamid ah xadgudubyadii ugu xumaa ee xuquuqul insaanka ee ka dhacay dalka waxay sii adkeynaysaa sida ay Soomaaliya uga go’antahay soo afjaridda dhaqanka ku salaysan sharci ka sarraynta ama la-xisaabtan la’aanta iyadoo arrintan ay indhaha ku hayaan muwaadiniinteeda iyo dunida guud ahaan.”

.

Readers Comments (0)

Click here to cancel reply.

WARARKA HORE

AKHRISO: Gabar Soomaali ah oo fariimo ay Facebook ku qortey dartiis loogala noqdey sharcigga, iyadda iyo qoyskeedaba

November 1, 2016
Warbaahinta Norway ayaa mudo isbuuc gudaheed ah warbixin ka qortey qofkii labaad oo soomaali ah, kaas oo laanta ...

Maxay tahay sababta keentay in ay dalka Norway did u celiso 1600 oo Somali ah?

October 31, 2016
Waaxda Socdaalka dowladda Norway ayaa sheegtay in ay  dib u soo celin doonto Qaar ka mid ah Qaxootiga ...

Maxay kawada hadleen madaxweyne Kenyatta iyo madaxweyne cumar al basher?

October 31, 2016
Madaxweynaha Kenya Uhurru Kenyatta oo booqasho rasmi ah ku tagay dalka Sudan ayaa olole ugu jira sidii lagu ...

QISO xanuun badan. Wuxuu si aad ah u jeclaa Xaskiisa…

October 30, 2016
Wuxuu si aad ah u jeclaa Xaaskiisa, waxeyna heysteen Laba Caruur ah, Wax kasta uu Awoodo wuu siin ...
00

War Deg Deg Ah: Dagaal Hada Kasocda Degmada Carmo Ee Puntland.

October 30, 2016
Askari horey uga tirsanaan jiray ciidanka daraawiishta Puntland ayaa saaka rasaas ooda uga qaaday gaari rakaab ah oo ...
WAR DEG DEG

Galmudug oo xoog kusoo furatay gabar ajnabi ah oo kenya u dhalatay

October 30, 2016
Ciidamada Nabad sugida ee maamulka Galmudug ayaa la sheegay iney xoog kusoo furteen gabar ajnabi ah oo ku ...

Jaamacad Macallin La’aan Wax laga baranayo oo laga furay California – Mareyknaka

October 27, 2016
Jaamacad loogu magac-daray 42, oo magaceeda la sheegay in laga keenay macnaha nolosha, isla markaana ka timid Filimka ...

Maxaa kasocda magalada Carmo Madaxweyne gas iyo Gallaan?

October 27, 2016
Madaxweynaha  Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas  iyo wefdi ballaaran oo  uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray Degmadda Carmo, ...
WAR DEG DEG

War deg deg a h Dagaalkii Galkacyo Oo Sii Xoogaystay iyo….

October 20, 2016
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal mar kale saaka ka bilowday magaalada Galkacyo ee xarunta gobolka Mudug, ...

XIRIIR INTII LA EG AYA KA DHAXEYA UGAAS XASAN IYO MADAXWEYNAHA HIRSHABEELLE ?

October 20, 2016
Warar ay heshay ishacaasimada.com   Ayaa shegaya in Madaxweynaha cusub ee maamulka Hirshabeelle iyo Ugaas xasan ugaas khaliif oo ...

Cumar Cabdirashiid Oo Ku Guulaystay Kursiga Aqalka Sare ee Barlamaanka Federaalka.

October 20, 2016
Ra’isul Wasaarahii hore  ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa ku guulaysatay xubinnimadda Aqalka Sare ee Barlamaanka federaalka ...
WAR DEG DEG

Galmudug: Qaramada Midoobay xaq uma lahan muwaadin la doortay inay dhahdo Liiska Aqalka sare halaga saaro..

October 17, 2016
Maamulka Galmudug, ayaa jawaab waxa ay ka bixiyeen warqad ka soo baxday Xafiiska Wakiilka Qaramada Midoobay ee arimaha ...

Beesha caalamka oo walaac ka muujisay Xubnaha qaar ee ka soo dhex muuqday Aqalka Sare..

October 17, 2016
Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Midowga Yurub, Urur-Goboleedka IGAD, Itoobiya, Talyaaniga, Sweden, Boqortooyada Midowday ee Britain ama Ingiriiska iyo Dowladda Maraykanka ...

Ra’iisul Wasaare Cumar muxuu kala kulmay puntland?

October 16, 2016
Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa aad ugu wareersan Puntland oo uu ka doonayo inuu ...
00

Madaxweyne GAAS OO KU DHAQAAQAY ARRIN LAMA FILAAN KU NOQOTAY RW CC KADIB…

October 16, 2016
Madaxweynaha maamulka Puntland C/iweli Maxamed Cali (Gaas) ayaa ku dhaqaaqay fal la yaab leh kadib markii uu magaalada ...

Maxaa saaka kacusob galkacyo?

October 16, 2016
Magaalada Gaalkacyo oo maalmahan dambe gashay xaalad dagaal ah ayaa saakay oo Axad ah waxaa laga helayaa warar ...

Maxaa keenay in Ethiopia ay eed korka kasarto Masar Iyo Eritrea?

October 10, 2016
Xukuumadda Itoobiya, ayaa ku eedeysay Waddamada Masar iyo Eritrea inay qayb ka qaateen rabshadaha Waddankeeda ka dhacayay bilihii ...

Maxamed Cabdi Waare oo ku dhowaaqay inuu yahay Musharax Madaxweyne Hirshabeele

October 10, 2016
Munaasabad ballaaran oo uu ku soo bandhigayay         musharaxnimadiisa  Madaxweynaha  Maamul goboleedka Hirshabeele Maxamed Cabdi ...

Maxaa ka jira wararka sheegaya in Ugaas Xassan iyo beesha caalamka ka wadda hadleen….

October 9, 2016
Warar hoose oo soo baxaya ayaa sheegaya in beesha calaamka ku marti-qaaday Ugaas Xassan Ugaas Khaliif in magaalada ...

Maxaa laga faaiday Dagaalkaii Gaalkacyo?

October 8, 2016
Magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug waxaa shalay ka dhacay dagaal u dhaxeeyay ciidamada maamulka Puntland iyo kuwa Galmudug, ...