Wednesday, October 19th, 2016
.

Maxaa keenay in Ethiopia ay eed korka kasarto Masar Iyo Eritrea?

,
Published on October 10, 2016 by admin   ·   No Comments

Xukuumadda Itoobiya, ayaa ku eedeysay Waddamada Masar iyo Eritrea inay qayb ka qaateen rabshadaha Waddankeeda ka dhacayay bilihii lasoo dhaafay, kuwaasoo sababay in xaalad deg-deg ah lagu soo rogo dalkaas.

Wasiirka Warfaafinta Dalka Itoobiya, Getachew Reda ayaa sheegay in dad shisheeye ah ay rabshadaha hurinayaan, tababarayaan ayna lacag siinayaan kooxaha Mucaaradka ah ee ka dambeeya rabshadaha Itoobiya ka socda.

Sidoo kale, Wasiirka Warfaafinta Itoobiya ayaa difaacay Xaaladda Deg-degga ah ee lagu soo rogay dalkaas, isagoo sheegay inay jiraan kooxo dambiilayaal ah qaab Siyaasadeed u abaabulan oo beegsanaya shacabka.

Ciidamada Federaalka Itoobiya, ayaa dalka oo dhan la geeyay si rabshadhaa uga hortagaan, waxaana la mamuucay Dibad-baxyadii dhacayay. Tallaabadaan ayaa waxaa la qaaday xilli bilooyinkii lasoo dhaafay ay dalkaas ka socdeen mudaaharaadyo wadamada shisheeye ay hurinayaan.

Mudaharaadyadaan Rabshadaha wata, ayaa lagu tilmaamay kuwii ugu khatarta badnaa ee dalkaas soo mara muddo Rubuc Qarni ah. Inkastoo Xukuumaddu ay sheegtay inay muddo kooban kusoo celinayso xasilloonida dalka oo dhan.

Dhanka kale, Wasiirka Warfaafinta Itoobiya, Getachew Reda, ayaa BBC-da u sheegay in xaaladda deg-degga ah loola jeeday in lagu Mamnuuco bannaan-baxyada. Isagoo yiri. “Si loo dhawro Xasilloonida shacabka Dowladdu waxay go’aansatay inay muhiim tahay in si KMG ah loo joojiyo mudaharaadyada sii soda.”

“Rabshadaha hubaysan ee ay wadaan kooxaha dambiileyaasha ah ayaa lagu beegsanayaa xarumaha dowladda iyo kaabayaasha muhiimka ah ee dhaqaalaha. Sidoo kalena waxaanu haynaa caddeymo sugan oo muujinaya inay rabshadahan ka dambeeyaan dad aan doonayn in Xukuumadda ay Itoobiya ridaan, balse doonaya inay Gebi ahaan Itoobiya afka dhulka u geliyaan,” ayuu hadalkiisa ku daray Getachew.

 

Wasiirka Warfaafinta Itoobiya, ayaa intaas ku daray inay baaritaanno ku sameyn doonaan eedeyaha ku aadan in ciidammo Booliis ah oo direyska iska dhigay ay laayeen dad shacab ah oo aan waxba galabsan.

 

Ugu dambeyn, Mudaaharaadyada rabshadaha wata ee dalka Itoobiya ka socda, ayaa waxaa wada Oromada iyo Amxaarada, Ismaamulka somalida itoobiya ayaa lagu amaanay in ay yihiin ismaamulka waqtigan xaadirka ah ku talaabsaday hormar iyo nabadgalyo iyo maamul suuban

.

Readers Comments (0)

Click here to cancel reply.

WARARKA HORE

WAR DEG DEG

Galmudug: Qaramada Midoobay xaq uma lahan muwaadin la doortay inay dhahdo Liiska Aqalka sare halaga saaro..

October 17, 2016
Maamulka Galmudug, ayaa jawaab waxa ay ka bixiyeen warqad ka soo baxday Xafiiska Wakiilka Qaramada Midoobay ee arimaha ...

Beesha caalamka oo walaac ka muujisay Xubnaha qaar ee ka soo dhex muuqday Aqalka Sare..

October 17, 2016
Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Midowga Yurub, Urur-Goboleedka IGAD, Itoobiya, Talyaaniga, Sweden, Boqortooyada Midowday ee Britain ama Ingiriiska iyo Dowladda Maraykanka ...

Ra’iisul Wasaare Cumar muxuu kala kulmay puntland?

October 16, 2016
Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa aad ugu wareersan Puntland oo uu ka doonayo inuu ...
00

Madaxweyne GAAS OO KU DHAQAAQAY ARRIN LAMA FILAAN KU NOQOTAY RW CC KADIB…

October 16, 2016
Madaxweynaha maamulka Puntland C/iweli Maxamed Cali (Gaas) ayaa ku dhaqaaqay fal la yaab leh kadib markii uu magaalada ...

Maxaa saaka kacusob galkacyo?

October 16, 2016
Magaalada Gaalkacyo oo maalmahan dambe gashay xaalad dagaal ah ayaa saakay oo Axad ah waxaa laga helayaa warar ...

Maxaa keenay in Ethiopia ay eed korka kasarto Masar Iyo Eritrea?

October 10, 2016
Xukuumadda Itoobiya, ayaa ku eedeysay Waddamada Masar iyo Eritrea inay qayb ka qaateen rabshadaha Waddankeeda ka dhacayay bilihii ...

Maxamed Cabdi Waare oo ku dhowaaqay inuu yahay Musharax Madaxweyne Hirshabeele

October 10, 2016
Munaasabad ballaaran oo uu ku soo bandhigayay         musharaxnimadiisa  Madaxweynaha  Maamul goboleedka Hirshabeele Maxamed Cabdi ...

Maxaa ka jira wararka sheegaya in Ugaas Xassan iyo beesha caalamka ka wadda hadleen….

October 9, 2016
Warar hoose oo soo baxaya ayaa sheegaya in beesha calaamka ku marti-qaaday Ugaas Xassan Ugaas Khaliif in magaalada ...

Maxaa laga faaiday Dagaalkaii Gaalkacyo?

October 8, 2016
Magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug waxaa shalay ka dhacay dagaal u dhaxeeyay ciidamada maamulka Puntland iyo kuwa Galmudug, ...

Waa side xaalada saaka galkacyo?

October 8, 2016
Kadib dagaaladii shalay ka dhacay magalada gaalkacyo ee xarunta gobalka mudug ku waas oo sababy dhimasho iyo dhaawac ...
WAR DEG DEG

Akhriso: Kharajka Lacagaha Isdiiwaan-gelinta ee musharixiint oo la soo bandhigay

October 4, 2016
Guddiga Federalka ee Hirgelinta Doorashooyinka Dadban ayaa soo bandhigay Kharajka Lacagaha Isdiiwaan-gelinta ee musharixiinta u tartamayso kuraasta baarlamaanka ...

Xog Muhiim Ah: Maxaa Looga Hadlay Kulankii Shalay Ka Dhacay Baladweyne?

October 3, 2016
Maalintii shallay waxaa magaalada Beledweyne gaarray wafdi uu horkacayay ra’iisal wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Max’ed Cumar Carte, waxaana socdaalka ...

Maxay tahay codsiga uu u gudbiyey farmaajo madaxweyne xassan sheikh?

October 3, 2016
Wada hadalo hoose, ayaa Magaalada Muqdisho ku dhex maray wakiilo kala metelaya Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed ...

Yaa U Hanjabay Taageera Yaasha Musharax Farmaajo Ee Muqdisho?

October 2, 2016
Xog ay si hoose u heshay ishacaasimada.com  ayaa waxay sheegeysaa in madaxda sare ee DFS gaar ahaan madaxweyne ...

Waa sidee darenka shacabka muqdisho ee kuaadan doorashada madaxweynaha?

October 2, 2016
Bulshada Soomaaliyeed ee kudhaqan magaalada Muqdisho ayaa muujiyay dareen walaac badan xambaarsan oo ay kaqabaan doorashada la filayo ...
WAR DEG DEG

Maxaa sababay Banaanbax Xoogan ee cawa kasocda Dalka itoobiya?

October 2, 2016
Tiro  dad ah ayaa ku dhintay dalka Itoobiya, ka dib isbuurasho ka dhalatay boolis kala eriyayay dad mudaharaad ...

DAAWO:-FAYSAL CALI WARAABE OO SHEEGAY IN UU YAHAY MUSHARAX MADAXWAYNE EE XISBIGA UCID (HORDHACA WARAYSI LALA YEESHAY)

October 1, 2016
Gudoomiyaha Xisbiga Ucid ayaa waraysi uu siiyey Wariye C/risak Terra oo ka mid ah hawl wadenada TVga Kalsan ...
01

Maxa keenay in Saudi Arabia ay kordhiyaan lacagta fiisada Xujeyda?

October 1, 2016
Dawlada Saudi Arabia ayaa sheegay in ay kordhin doonto qarashka fiisooyinka ee dadka booqdaanaya dalka, si ay uso ...

Cumar Cabdirashiid: “Dadku shan hab ayey ku midoobaan, qabiilka ayaa ugu hooseeya.

September 28, 2016
Raysal wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke oo labadii maalmod ee lasoo dhaafay ku sugnaa magaalada Qardho ayaa habeenimadii ...
nh

Ra’iisul Wasaaraha oo ka hor yimid in xildhibaanada gobolada Hiiran & Sh/dhexe in laga soo doorto Muqdisho.

September 27, 2016
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka  Ee Soomaaliya Mudane Cumar Cabdi Cali Sharmaarke Ayaa Sheegay In Go’aan Ka Gaaridda Goobta ...