Friday, October 21st, 2016
.

Xog Muhiim Ah: Maxaa Looga Hadlay Kulankii Shalay Ka Dhacay Baladweyne?

,
Published on October 3, 2016 by admin   ·   No Comments

Maalintii shallay waxaa magaalada Beledweyne gaarray wafdi uu horkacayay ra’iisal wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Max’ed Cumar Carte, waxaana socdaalka ku wehlinayay ra’iisal wasaare ku-xigeenka wasiiru-dowlaha wasaarrada arrimaha gudaha iyo federaalka C/rashiid Max’uud Xidig.

 

Wafdiga oo xalay ku hooyday magaalada, ayaa kulan xasaasi ahaa ayaa shalay  la qaatay duubabka dhaqanka gobolka Hiiraan oo uu horkacayo Ugaas Xassan Ugaas Khaliif, iyaga oo mar kale ka wadda hadlay arinta maamul u sameynta labada gobol Hiiraan iyo Sh/dhexe.

RW ku-xigeenka DF Soomaaliya Max’ed Cumar Carte ayaa ka dalbaday Ugaaska in uu tallo ku biirayo habka ugu fudud ee loo sii anba-qaadi karo qorshaha dhismaha maamulka labada gobol Hiiraan iyo Sh/dhexe oo muddo ka badan hal sano xukuumadu dhanna u dhaqaajin la’dahay.

Gaar ahaa wafdiga ayaa soo jeediyay in Ugaas Xassan iyo duubabka kale ee dhaqanka ku wehliya mowqifkiisa ka dhanka ah shirka Jowhar aqbalaan wadda-hadal mar kale laga furro arintan ku saabsan dhismaha maamulka labada gobol, kaasoo ay dhaxdhaxaadin doonaan xubno ka socda beesha caalamka.

Ugaas Xassan Ugaas Khaliif, oo wali ku adkeysanaya mowqifkiisii hore ee ka dhanka ahaa dhismaha maamulka labada gobol Hiiraan iyo Sh/dhexe, ayaa ku wargaliyay wafdigii ka socday xukuumada in marka  hore albaabada loo laabo shirka ka socda degmada Jowhar, kaddibna leysugu soo laabto wixii wadda — hadal ah ee la xiriira mowqifka shacabka reer Hiiraan ee la xiriira ka qeyb-galka nidaamka federalism -ka, iyadoo dhinaca kalana loo wadda guntanayo sidda uu hadalka u dhigay Ugaas Xassan ka qeyb-galka isbadalka dowladnimo ee dalka ku soo foolka leh.

Wafdiga ayaa dhinacooda sheegay in mar walba diyaar u tahay xukuumada in ay aqbasho tallada iyo go’aamada duubabka dhaqanka uu horkacayo Ugaas Xassan Ugaas Khaliif, iyaga oo intaa ku darray in wixii fariin ah ee loo dhiibo dib ugula noqon doonaan hay’addaha kale dowladda ee arintani quseyso.

Soo jeedinta Ugaas Xassan iyo socdaalka wafdiga xukuumada ee maanta shirka kula qaatay magaalada Beledweyne ayaa u muuqda kuwa rajo beel ku sii ridi kara sii socoshada shirka Jowhar oo aad moodo xiligan mid aan cago badan ku taagneyn, waxaana ay wafdiga xukuumada ballan-qaadeen in ay  ku dhaqaaqi doonaan tallaabo kasta oo isku soo jiidi karta dowladda iyo duubabka dhaqanka uu horkacayo Ugaas Xassan Ugaas Khaliif, iyaga oo isla galabta dib ugu laabtay magaalada Muqdisho.

Wadda hadalladan ayaa qeyb ka noqonaya is aragyo kala duwan oo tan iyo bishii Janaayo ee sanadkan dhaxmaray dowladda federaalka, IGAD iyo Ugaas Xassan Ugaas Khaliif, kuwaa oo dhamaantood ku soo dhamaaday natiijo la’aan, kaddib markii uu Ugaasku ku adkeystay in aan la afduubin rabitaanka shacabka reer Hiiraan, loona daayo in ay go’aan ka gaaraan mustaqbalkooda siyaasadeed.

.

Readers Comments (0)

Click here to cancel reply.

WARARKA HORE

WAR DEG DEG

War deg deg a h Dagaalkii Galkacyo Oo Sii Xoogaystay iyo….

October 20, 2016
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal mar kale saaka ka bilowday magaalada Galkacyo ee xarunta gobolka Mudug, ...

XIRIIR INTII LA EG AYA KA DHAXEYA UGAAS XASAN IYO MADAXWEYNAHA HIRSHABEELLE ?

October 20, 2016
Warar ay heshay ishacaasimada.com   Ayaa shegaya in Madaxweynaha cusub ee maamulka Hirshabeelle iyo Ugaas xasan ugaas khaliif oo ...

Cumar Cabdirashiid Oo Ku Guulaystay Kursiga Aqalka Sare ee Barlamaanka Federaalka.

October 20, 2016
Ra’isul Wasaarahii hore  ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa ku guulaysatay xubinnimadda Aqalka Sare ee Barlamaanka federaalka ...
WAR DEG DEG

Galmudug: Qaramada Midoobay xaq uma lahan muwaadin la doortay inay dhahdo Liiska Aqalka sare halaga saaro..

October 17, 2016
Maamulka Galmudug, ayaa jawaab waxa ay ka bixiyeen warqad ka soo baxday Xafiiska Wakiilka Qaramada Midoobay ee arimaha ...

Beesha caalamka oo walaac ka muujisay Xubnaha qaar ee ka soo dhex muuqday Aqalka Sare..

October 17, 2016
Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Midowga Yurub, Urur-Goboleedka IGAD, Itoobiya, Talyaaniga, Sweden, Boqortooyada Midowday ee Britain ama Ingiriiska iyo Dowladda Maraykanka ...

Ra’iisul Wasaare Cumar muxuu kala kulmay puntland?

October 16, 2016
Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa aad ugu wareersan Puntland oo uu ka doonayo inuu ...
00

Madaxweyne GAAS OO KU DHAQAAQAY ARRIN LAMA FILAAN KU NOQOTAY RW CC KADIB…

October 16, 2016
Madaxweynaha maamulka Puntland C/iweli Maxamed Cali (Gaas) ayaa ku dhaqaaqay fal la yaab leh kadib markii uu magaalada ...

Maxaa saaka kacusob galkacyo?

October 16, 2016
Magaalada Gaalkacyo oo maalmahan dambe gashay xaalad dagaal ah ayaa saakay oo Axad ah waxaa laga helayaa warar ...

Maxaa keenay in Ethiopia ay eed korka kasarto Masar Iyo Eritrea?

October 10, 2016
Xukuumadda Itoobiya, ayaa ku eedeysay Waddamada Masar iyo Eritrea inay qayb ka qaateen rabshadaha Waddankeeda ka dhacayay bilihii ...

Maxamed Cabdi Waare oo ku dhowaaqay inuu yahay Musharax Madaxweyne Hirshabeele

October 10, 2016
Munaasabad ballaaran oo uu ku soo bandhigayay         musharaxnimadiisa  Madaxweynaha  Maamul goboleedka Hirshabeele Maxamed Cabdi ...

Maxaa ka jira wararka sheegaya in Ugaas Xassan iyo beesha caalamka ka wadda hadleen….

October 9, 2016
Warar hoose oo soo baxaya ayaa sheegaya in beesha calaamka ku marti-qaaday Ugaas Xassan Ugaas Khaliif in magaalada ...

Maxaa laga faaiday Dagaalkaii Gaalkacyo?

October 8, 2016
Magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug waxaa shalay ka dhacay dagaal u dhaxeeyay ciidamada maamulka Puntland iyo kuwa Galmudug, ...

Waa side xaalada saaka galkacyo?

October 8, 2016
Kadib dagaaladii shalay ka dhacay magalada gaalkacyo ee xarunta gobalka mudug ku waas oo sababy dhimasho iyo dhaawac ...
WAR DEG DEG

Akhriso: Kharajka Lacagaha Isdiiwaan-gelinta ee musharixiint oo la soo bandhigay

October 4, 2016
Guddiga Federalka ee Hirgelinta Doorashooyinka Dadban ayaa soo bandhigay Kharajka Lacagaha Isdiiwaan-gelinta ee musharixiinta u tartamayso kuraasta baarlamaanka ...

Xog Muhiim Ah: Maxaa Looga Hadlay Kulankii Shalay Ka Dhacay Baladweyne?

October 3, 2016
Maalintii shallay waxaa magaalada Beledweyne gaarray wafdi uu horkacayay ra’iisal wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Max’ed Cumar Carte, waxaana socdaalka ...

Maxay tahay codsiga uu u gudbiyey farmaajo madaxweyne xassan sheikh?

October 3, 2016
Wada hadalo hoose, ayaa Magaalada Muqdisho ku dhex maray wakiilo kala metelaya Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed ...

Yaa U Hanjabay Taageera Yaasha Musharax Farmaajo Ee Muqdisho?

October 2, 2016
Xog ay si hoose u heshay ishacaasimada.com  ayaa waxay sheegeysaa in madaxda sare ee DFS gaar ahaan madaxweyne ...

Waa sidee darenka shacabka muqdisho ee kuaadan doorashada madaxweynaha?

October 2, 2016
Bulshada Soomaaliyeed ee kudhaqan magaalada Muqdisho ayaa muujiyay dareen walaac badan xambaarsan oo ay kaqabaan doorashada la filayo ...
WAR DEG DEG

Maxaa sababay Banaanbax Xoogan ee cawa kasocda Dalka itoobiya?

October 2, 2016
Tiro  dad ah ayaa ku dhintay dalka Itoobiya, ka dib isbuurasho ka dhalatay boolis kala eriyayay dad mudaharaad ...

DAAWO:-FAYSAL CALI WARAABE OO SHEEGAY IN UU YAHAY MUSHARAX MADAXWAYNE EE XISBIGA UCID (HORDHACA WARAYSI LALA YEESHAY)

October 1, 2016
Gudoomiyaha Xisbiga Ucid ayaa waraysi uu siiyey Wariye C/risak Terra oo ka mid ah hawl wadenada TVga Kalsan ...